Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku balansan kulanka la wada sugayo horyaalka La Liga ee El Clasico, kaasoo ka dhici doono Sabti 10-ka bisha April garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.
Pique waxaa soo gaadhay dhaawac halis ah bilowgii xilli ciyaareedka, kaas oo ka joojiyay garoomada muddo dheer, kaddib wuu soo laabtay oo wuxuu kala qayb galay kooxda Barcelona 4 kulan oo La Liga iyo Champions League ah, laakiin wuxuu markale la kulmay dhaawac cusub oo dhanka Jilibka ah inta lagu guda jiray ciyaar u dhexeysay kooxaha Barca iyo Seville.
Haddaba daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Waxaan isku dayi doonaa inaan diyaar u noqdo kulanka Real Madrid, waxaan sii wadi doonaa shaqada maalinba maalinta ka dambeysa.”
“Waxaan isku dayi doonaa inaan ka fiicnaado dhaawaca sida ugu dhaqsiyaha badan.”