Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafinaadka Galmdug Dr Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa Caabudwaaq maanta ka daahfuray Tababar la xariira qaabka bixinta tallaalka COVID-19 iyo diiwaangalinta, waxaana loofuray shaqaale Caafimaad oo gaaraya 40 xubnood oo ka kala yimid deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug
Xirfadlayaashan caafimaadka oo ah kuwo ay Wasaaraddu ay u soo xulatay inay ka howlgalaan kadib marka ay dhamaystaan tababarkan degmooyinka ay ka yimaadren ayaa la siinayaa casharro la xariira habka bixinta tallaalka COVID-19.
Xildhibaan Fardawsa Yuusuf Ciid oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Baarlamaanka Galmudug iyo Mudanayaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo kala ah Xildhibaan Cusaama iyo Mahad kilic ayaa la dardaamay shaqaalaha caafimaad ee qaadanaya Tababarkan.
Wasiirka Wasaaradda Caafinaadka Galmdug Dr Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa dhankiisa shaqaalaha caafimaad ugu baaqay inay si wanaagsan uga faa’iideeystaan casharada lasiinayo ee habka bixinta tal6aalka COVID-19.