Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Ahmed Mire Cali Faafaale ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo gaba gabeeyay shaqaale loo tababaray talaalka cudurka karoona feyris oo dhawaan lagu wado in laga bilaabo deegannada Galmudug.
Tababarkaan ayaa lagu baranayay Talaalidda,Keydinta Xogta Talaalka, iyo Wacyigelinta
“Tababarkan wuxuu ku saabsanaa sida loo bixiyo talaalka cudurka karoona feyris oo laba maalmood kadib ka bilaaban doonaa deegannada Galmudug, hadda waxaa halkan fadhiya shaqaale ka yimid Guriceel iyo Dhuusamareeb, degmooyinka Galmudug ee kalana waa ka bilaaban doonaa tababarka, waxaan rajeynaya in wixii aad barateen ugu adeegi doontan bulshada.” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada caafimaadka Galmudug Axmed Mire Faafaale.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan wasaaradda caafimaadka Galmudug ku wareejisay qeyb ka mid ah talaalka cudurka COVID-19.