Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Soo laba kacleynta Covid-19 ayaa ah mid caqabad ku ah geedi socodka waxabasho ee caalamka iyadoo dunidu mar u muuqatay mid ka xoroobeysay aafada Covid-19 balse hadda uu si horle ugu soo labakacleyay wajiga labaad ee caroona taasi oo jirta ayaa hadana waxaa jira dadaalo xoogan oo ay sameynayaan dowladaha Caalamka iyo Ha’yadaha qaabilsan Caafimaadka si loo gaadhoo yoolka ugu danbeeya ee ah cidhib tirka Covid-19.
Dalkeena Soomaaliya waxaa siweyn looga dareemayay mudooyinkii u danbeyay soo laba kacleynta xanuunka faafaha daran ee caronavirus iyadoo bulshada markaste lagu wacyi galiyo in ay raacaan taalooyinka ay bixinayaan bahda Caafimaadka.
Maamulka Iskuulka Hoose,dhaxe, Sare, ee Waamo ee Magaalada Dhoobley ayaa ka warbixyay xaalada Waxbarasho ee Iskuulka xiligan adag ee guud ahaan dalkeena laga dareemayo soo laba kacleynta Covid-19.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya