Xiddig ka tirsan Manchester United oo loo sheegay inuu u tartami karo abaal-marinta Ballon d’Or

0
312
Amad Diallo of Manchester United, ManU is lifted up as he celebrates scoring the first goal during the UEFA Europa League match at Old Trafford, Manchester. Picture date: 11th March 2021. Picture credit should read: Andrew Yates/Sportimage PUBLICATIONxNOTxINxUK SPI-0952-0037

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Goolhayihii hore kooxda AC Milan ee Giovanni Galli ayaa amaanay xidiga da’yarka ah ee naadiga Manchester United iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Amad Diallo.

Giovanni Galli ayaa dhinaca kale carabka ku adkeeyay in laacibka kooxda Manchester United ee Amad Diallo uu leeyahay awoodo uu ugu qalmo inuu u tartamo abaal-marinta Ballon d’Or mustaqbalka.

Giovanni Galli ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku ammaanay da’ayarka kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Amad Diallo, sida uu daabacay wargesyka “The Sun” ee dalka England.

“Diallo waa ciyaaryahan gaar ah, laakiin waa inuu is xoojiyaa.”

Goolhayihii hore ee Rossoneri oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

Amad has the quality to fight for a Ballon d'Or in five years' - Man Utd's  NXGN star tipped for the very top | Goal.com

‘Isla mar ahaantaana, waa inuu hubiyaa inuusan lumin xawaarehiisa, taasoo mustaqbalka uu kaga duwanaan karo kuwa kale.”

“Marka la soo koobo, waxaan qabaa inuu awood u leeyahay inuu noqdo musharax ku guuleysan kara Ballon d’Or shanta sano ee soo socota.”

Amad Diallo oo 18 sano jir ah, ayaa ku soo biiray Manchester United bishii January ee la soo dhaafay isagoo ka yimid kooxda reer Talyaani ee Atlanta, wuxuuna tan iyo xilligaas u ciyaaray kooxda koowaad 4 kulan, wuxuuna dhaliyay 1 gool, waxaana uu sidoo kale ka qeyb galay 2 kulan oo kooxda 23 jirada ah, wuxuuna dhaliyay 3 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 3 gool kale .