Beeralayda Goobwayn oo diyaar garow ugu jira ka faa’iideysiga xiliga Gu’ga

0
213

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Goobweyn oo qiyaastii magalada Kismaayo u jira 13-KM ayaa ah deegaan caan ku ah beerashada dalagyada kala duwan, waxaana ka soo go’a dalagyo badan oo nacfi u leh bulshada loona suuq geeyo suuqyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dadka beeraleyda ah ee deegaanka Goobweyn ayaa xilligan isku diyaarinaya ka faa’iideysiga xiliga Guga, xilli roobaadka waa marka ay beeraan beeraha ku baxa biyaha roobka ee ka fog webiga.

Saciid Khaalid Sheekh Axmed iyo Cabdinuur Sheekh Saciid waxay kamid yihiin beeraleyda deegaanka Goobweyn, waxayna ka warbixiyeen dalagyada hadda beertooda ugu beeran iyo waxyaabaha kale ee ay rajeenayaan in ay ku beertaan marka roobku da’o.

Waxay sheegeen in ay diyaar garow fiican ugu jiraan sidii ay uga faa’iidan lahaayeen xilli roobaadka waqtiga gu’ga oo ay inta badan beeraleydu ku xisaabtamaan marka laga tago biyaha Webiga oo mar mar qaar kood ay u adeegsadaan waraabinta beeraha.

Dhanka kale Beeraleyda deegaanka Goobwayn ayaa ka codsaday Wasaaradda beeraha Jubbalan in ay ka caawiyaan qalabka waraabinta beeraha,dalagyada la beerto iyo waliba suntan lagu ladagaalamo cayayaanka cuna miraha beeraha.

Beeraha ayaa ah isha koowaad ee wax soo saarka deegaanada saaran jiinka webiga Jubba, waxaana ku tiirsan nolosha qoysaska ku nool dhul-beereedka ballaaran ee dhaca waqooyiga magaalada Kismaayo.