“Ma fahmin sababta Benzema loogu yeeri waayey xulka qaranka Faransiiska.” – Zidane

0
206

Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Celta Vigo oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:

“Wali waxaa jira hadalo badan, wali waxaan ku jirnaa tartanka tanina waa waxa ugu muhiimsan, waa xilliyo ay tahay in la soo bandhigo wax walba, waana ku faraxsanahay kooxda, waxaan helnay seddexda dhibcood waana inaan sii wadno.”

“Waxaan ku bilaabanay ciyaarta si adag, waxaan xakameynay kubadda, waxaana ku guuleysanay inaan gool dhalino, kaddib wax yar ayaan sii dhibtoonay qeybtii labaad laakiin waxaan u qalnay inaan guuleysano, aad ayey muhiim u tahay inaan sii wadno waxa aan qabaneyno.”

Intaas kaddib tababare Zinedine Zidane ayaa ka hadlay Karim Benzema wuxuuna yiri:

“Ma fahmin sababta Karim Benzema loogu yeeri waayey xulka qaranka Faransiiska, laakiin aniga tababare ahaan tani ayaa ii fiican, marka laga hadlayo Modric iyo Kroos inay aadaan xulalkooda, ma ahan wax ii wanaagsan aniga ahaan.”

“Dadka jecel kubadda cagta, aragtida Karim Benzema waa raaxo, wuxuu noo sameeyaa farqi aniga saaxiibadiis, dhammaantoodna waa muhiim.”

“Celta waa koox fiican. Haddii aadan diirada saarin, dhib ayey kugu abuuri karaan, si wanaagsan ayaan u darsaynaa kulamada. Waxaan helnay seddex dhibcood waana inaan sii wadnaa.”

Zidane ayaa ugu dambeyntii ka hadlay kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos waxa uu yiri:

“Wuxuu aadi doonaa xulka qaranka, wuxuu diyaar ku noqon doonaa 5 maalmood gudahood, wax dhibaato ah kuma qabi doono inuu ciyaaro, taasna faa’iido ayey u yeelan doontaa isagana sidoo kale.”