Iskuullada iyo jaamacaddaha magaalada Baladweyne oo intooda badan dib loo furay kadib markii muddo laba todobaad ah ay xirnayeen si looga hortago faafitaanka cudurka karoona.

0
177

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iskuullada iyo jaamacaddaha magaalada Baladweyne ayaa intooda badan dib loo furay kadib markii muddo laba todobaad ah ay xirnayeen si looga hortago faafitaanka cudurka karoona feyris oo markale dalka ku soo laba kaceelyay.

Maamulada iskuullada iyo kuwa jamaacaddaha ayaa bilaabay qorshayaal looga hortagayo cudurkan inta lagu guda jiro fasalada iyaagoo ardeyda ku amray inay qaatan afxirka, islamarkana ay kala fogaadan si uusan u faafin cudurkan.

Maamulaha iskuulka Horseed ee magaalada Baladweyne Abukar Sheekh Aadan ayaa sheegay inay isku garab wadan waxbarashada iyo wacyigelinta ku saabsan ka hortaga cudurkan karoona feyris.

“Maanta ayaa dib u furnay iskuulka, dhibaato badan ayaa kala kulanay cudurkan karoona feyris, hadda waxaa bilownay inaan isku garab wadno wacyigelinta khatarta uu lee yahay cudurkan iyo waxbarashada, fasalkii markii hore gali jireen hadda waxaa gala 15 ardey kaliya, waxaan ku dadaalana inay kala fogaadan, afkana xirtan si cudurkan uusan u faafin.”ayuu yiri maamulaha iskuulka Horseed ee magaalada Baladweyne Abukar Sheekh Aadan.

Qaar ka mid ah ardeyda dhigta iskuulka Horseed ayaa sheegay in sameyn dhanka waxbarashada ay kala kulmeen cudurkan islamarkana ay u hogaansameen taalooyinka caafimaad ee looga gaashamanayo cudurkan.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa muddo laba todobaad ah iskuullada iyo jaamacaddaha ku amray in la xiro si uusan u faafin cudurka karoona feyris iyadoo mudada labada todobaad ay ku eekeed 18-kii bishan.