Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ka daahfurtay Tababar Ujeedkiisu yahay Mashruuc Maalgelin ah oo loo sameeynayo Dhallinyarada Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.
Tababarka oo Socon doona Muddo 5 Maalmood ah ayaa Dhalinyarada waxaa lagu bari doonaa sida loo sameeyo Hal-buur Ganacsi oo Guuleysta si ay kaga faa’iideystaan Maalgelinta ay usameeyneeyso Hey’ada IRISE,
Furitaanka Tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Hirshabeelle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Gudoomiyaha Degmada Jowhar, Duqa Magaalada Jowhar iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Saciid Saalax Cabdiraxmaan ayaa Dhalinyarada kula Dardaarmay in ay ka Faa’iideestaan Tababarkan Islamarkaana ay Layimaadaan Fikirro Hal-Abuur Ganacsi ah si ay uga Faa’iideestaan Mashruuca Maalgelinta Dhalinyarada ee ay Fulineeyso Hey’adda IRISE.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo kahadlay Furitaanka Tababarkaan ayaa sheegay in Maanta ay farxad weyn u tahay Dhalinyarada Kunool Jowhar Maadaama ay Dhawaan heli doonaan Maalgelin loo sameeynayo Fikirada ay soo gudbinayaan waxaana uu dhalinyarada tababarka loo furayay kula dardaarmay in ay kudadaalaan sidii ay uga mira dhalin lahaayeen Hadafka Hal-Abuurka Ganacsi ee ay Mustaqblka kaleeyihiin.