Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.
Daqiiqadii 13-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Kevin De Bruyne, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Riyad Mahrez.
18 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Ilkay Gundogan oo caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden, ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Borussia Moenchengladbach oo ay kulan aad u xiiso badan ku wada ciyaareen garoonka Puskas Arena, City ayaa cel-celis ahaan labada kulan waxay ku soo baxday 4-0.
SAWIRRO: