Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). AC Milan ayaa ciyaar fiican kula soo ciyaartay garoonka Old Trafford Kooxda Manchester United, kulankii xalay lugta hore wareega 16-ka ee UEFA Europa League.
Kooxaha kubadda cagta ee Manchester United iyo AC Milan ayaa isku garbo dhacay ciyaartii xiisaha badneyd ee ka dhacday garoonka Old Trafford. Kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah.
Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa kaddib ciyaartii xalay wuxuu u sheegay warbaahinta:
“Barbardhaca waa mid cadaalad ah, laakiin uma maleynayo inay sidaas tahay, Xaqiiqdii, waxaan u maleynayaa in Manchester ay ku guuleysatay inay barbaro la gasho nasiibna ay ku yeesheen.”
“Waxay aheyd natiijo xun marka loo fiiriyo kulanka lugta labaad, laakiin xaalada ayaa laga yaabaa inay isbedesho kaddib marka ay soo noqdaan xiddigaha dhaawaca kaga maqan kooxda Ole Gunnar Solskjær.”
“Waqtigaan la joogo, waxaan arkaa in Milan ay waxyar ka faa’iideysan karto inay ka gudubto doorkaan, maadaama ay gool ku soo dhalisay meel ka baxsan garoonkeeda, Waxay u barteen inay qabtaan shaqo fiican, Manchester Unitedna waa inay cadeysaa wax taasi ka duwan, laakiin ma sahlana.”