Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug oo iskuullada ku yaalla deegannadeeda ku amartay inay xiran inta u dhaxeysa 10 ilaa 18-ka Marso.

0
191

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa iskuullada ku yaalla deegannadeeda ku amartay inay xiran inta u dhaxeysa 10 ilaa 18-ka Marso si looga hortago cudurka karoona feyris oo markale dalka ku soo laba kacleeyay islamarkana kiisas ka mid ah laga helay Galmudug.

Warsaxafadeeda Wasaaradda ayaa u qornaa sidan.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Taclinta sare ee Galmudug waxey fareysaa xiritaanka goobaha Waxbarashada ee ku yaal guud ahaan gayiga Galmudug, kaddib markii Caabuqa COVID 19 mowjaddiisa 2-aad uu si xowli ah ugu faafayo Galmudug. Dhaqangalka xiritaanka goobaha
Waxbarashada wuxuu ka billaabanayaa Arboco, Maarso 10, 2021 kuna eg Khamiis, 18 Maarso, 2021.

Wasaaraddu waxey tallaabadan qaadeysaa kaddib markii ay garwaaqsatay xaddiga faafitaanka
mowjadda 2-aad ee caabuqa COVID 19 gaar ahaan xogta laga helayo baaritaanada ay sameysay
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, go’aankani wuxuu ku yimid kaddib wadatashi laga yeeshay xakameynta Caabuqa oo ay qeyb ka ahaayeen Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Madaxtooyada Galmudug iyo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyadoo kaashaneysa Guddiga gaarka ah ee Galmudug
u qaabilsan xakameynta iyo latacaalidda COVID 19, Wasaaradda Waxbarashada Federaalka iyo hey’adaha Waxbarashada taageera, waxa ay awoodda saareysaa sidii loo keeni lahaa agabkii iyo adeeggii lagu yareyn lahaa lahaa xaddiga faafitaanka cudurka isla markaana
Waxbarashadu kusii socon laheyd.
Wasaaraddu waxay fareysaa dhammaan bahda Waxbarashada in ay mas’uuliyad guud iska
saaraan daryeelka badqabka ubadka ay hayaan isla markaana ay u hoggaansamaan talooyinka
iyo habraaacyada bahda caafimaadka ee la xiriira xakameynta faafitaanka caabuqa COVID 19.