Waa kuma xiddiga kaliya ee sida tooska ah ula soo xiriiray Lionel Messi si ay hal koox ugu wada ciyaaraan?

0
294

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa yeelatay cadaw cusub oo ah ciyaaryahanka kaliya ee sida tooska ah ula soo xiriiray Lionel Messi.

Kabtanka Barca ayaa shaki badan la galinayaa mustaqbalkiisa Camp Nou maadaama uu dhammaadka xilli ciyaareedkan xor u noqon doono inuu ku biiro kooxdii uu doono heshiiskiisa oo dhammaanaya awgeed.

Neymar Jr ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ee si toos ah ula soo xiriiray Messi si uu uga dhaadhiciyo ku biirista Paris Saint-Germain xilli bilo ka hor uu warbaahinta u sheegay inay sanadka dambe wada ciyaari doonaan isaga iyo saaxiibkiisii hore.

L’Equipe ayaa laga soo xiganayaa in weeraryahanka reer Brazil uu u sheegay Messi inuu kooxda PSG kula soo biiro, isagoo sidoo kale uga war bixiyay nolosha caasimadda Faransiiska ee Paris.

Lionel Messi's Camp Deny Making Neymar Plea & Threat to End Barcelona Stay  in 2021 | 90min

PSG ayaa qayb ka ah kooxaha sida aadka ah loola xiriirinayo halyeyga wali ciyaaraya ee reer Argentina iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowr ciyaartoy oo kooxda reer France u ciyaara ay si cad ugu gacan haatiyeen Messi.

Dhanka kale, madaxawenaha cusub ee Barcelona, Joan Laporta ayaa dadaal dheer u galaya sidii uu 33-jirkan ugu qancin lahaa sii joogista Camp Nou.