Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul ka soo gaartay Manchester City oo ay ku booqatay garoonkeeda Etihad kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League oo ku dhammaaday 0-2.
Si kastaba ha ahaatee, Pep Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta kaddib ciyaarta:
“Wuxuu ahaa kulan weyn. United cadaadis sarre oo la yaab leh ayeey sameysay, waxayna si dhaqso ah ku sameynayeen weeraro gaadmo ah.”
“Waxaan ciyaarnay ciyaar wanaagsan, balse nasiib daro awood uma yeelanin inaan ku go’aamino goolka hortiisa, marka waan u hanbalyeynaynaa United.”
“Weli waxaa jira 30 dhibcood oo aan u ciyaareyno, waana inaan bilowno inaan markale guuleysano.”
“Tani waa kubadda cagta, mararka qaar way dhacdaa. Waxaan u ciyaarnay si ka fiican kulankii aan ka badinay West Ham.”
“Arintu marwalba waa isku mid, waxaan guuleysanaa ciyaar kaddibna waxaan usii gudubnaa kulanka xiga, waana isla sidaas oo kale halkan, waxaan guuldarreysanay kulankan, marka waa inaan aadnaa kulanka xiga.”
“Tani waa cashar, xitaa iyadoo aan ku guuldarreysanay 0-2, haddana si fiican ayaan u ciyaarnay.”