Maamulka Deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan oo si wada jir ah u dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelinayo deegaankaas.

0
377

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin, iyo maamulka deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelinayo deegaankan.

Goobta dhagax dhigan ceelkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Hiiraan iyo ganacstada ugu tunka weyn magaalada Baladweyne.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ceelkan lagu qodayo dhaqaale la iska uruuriyay.

“ Ceelkan waxaa lagu qodaya dhaqaale laga soo ururiyay ganacsatada iyo maamulka, waan u mahad celinaya cid kasta oo ka qeyb qaadatay in riigan uu yimado halkan islamarkana howsha laga bilaabo, guddoomiyaha Feerfeer iyo maamulka kale waxaa la raba inay dhul siiyaan shirkaddaha Xawaaladaha, isgaarsiinta iyo rugta ganacsiga si halkan ay uga hirgeliyaan howsha ay qabtan.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan oo ku dhow xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sameynayay koboc dhanka dhismaha.