Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dab khasaare geystay ayaa gelinkii dambe ee shalay ka kacay iridda hore ee laga galo Dugsiga Daar al-dacwa ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada dab damiska iyo gurmadka oo kaashanaya kuwa booliska ayaa sheegay in ay halkaas ka qaadeen dhaawaca ilaa 48 qof oo isugu jira arday iyo macallimiin.
Booliska ayaa sheegay in ardaydu uu dhaawacu soo gaadhay kaddib markii ay isku dayeen in ay ka baxsadaan dabka oo heystay iridda qudha ee dugsiga laga galo ama laga baxo.
Dadka dhaawacmey ayaa u badan gabdho kuwaas oo qiiqa dabka ku neef qabatoobay, halka wiilashu ay ka boodeen daaqadaha dabaqa sare.
Ciidanka Dab-demiska ayaa sheegay in ay si deg-deg ah uga hawlgaleen la tacaalidda dabkaas iyo samata bixinta dhammaan dadkii ku sugnaa dusgida dabku qabsadey. Tirada ardayda xilliga wax ku baranaysay dugsiga ayaa lagu sheegay in ay ahayd 250 arday.
Weli waxaa socda baaritaan ay ciidamada ammaanku ku hayaan dhacdada ka dhacday iskuulkaas.
Dugsiyada waxbarashada iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan ayaa ah kuwo aan u diyaarsanayn xaaladaha degdegga ah ee dhici kara sida dababka iyo iwm.