Jabuuti oo Heshay Xirmooyinkii Ugu Horreeyay ee Tallaalka Covid-19

0
198

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey ee looga hortagayo faayraska Korona uu shalay soo gaaray dalkaas.

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalkan

“Tallaalkan waan sugeynay, intan waa intii ugu horreysay oo lagu howlgeli doono oo lagu bilaabi doono dadka aadka ugu sii baahan oo ah dadka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka, iyo dadka da’da ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray lagu sii bilaabayo dadka nugul isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul iney cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir.

Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha.

Jabuuti ayaa qorsheyneysa in la tallaalo 715,000 oo qof.

Wuxuu wasiirku intaas ku daray in sidoo kale dalkaas uu soo gaaray tallaalka bilaashka ah ee ay heleen qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Jabuuti ayaa sheegtay in xilligan aysan dalkaas ka jirin khatar sare oo xanuunka ah, isla markaana la xakameynayo.Waxay ka mid noqoneysaa dalalka ku yaalla Afrika ee helay tallaalka Covid-19.

Dalalka Kenya iyo Rwanda ayaa iyaguna ay soo gaartay xirmooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka xanuunka.