Kooxaha Chelsea, Liverpool, Inter Milan, Tottenham iyo guud ahaan kulammada caawa laga ciyaarayo qaar ka mid ah SHANTA horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub iyo tartammada maxallig ah

0
236

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, horyaalada Premier League iyo Serie A.

Horyaalka Premier League ayaa laga ciyaari doonaa ilaa saddex kulan iyadoo kulanka ugu xiisaha badan uu yahay midka ay Liverpool soo dhoweyneyso naadiga Chelsea.

Horyaalka Serie A ee dalka Taliyaaniga ayaa laga ciyaari doonaa hal kulan, sidoo kale lugta labaad ee wareegga nus-dhammaadka tartanka Copa del Rey ee dalka Spain ayaa la ciyaari doonaa.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono qaar ka mid ah horyaallada waa weyn ee Yurub, tartammada maxalliga ah & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

9:00 Habeenimo: Fulham vs Tottenham Hotspur.

9:00 Habeenimo: West Bromwich Albion vs Everton.

11:15 Habeenimo: Liverpool vs Chelsea

ITALY – SERIE A

10:45 Habeenimo:  Parma vs Inter Milan.

SPAIN – COPA DEL REY

11:00 Habeenimo:  Levante vs Athletic Club.

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.