Ma ogtahay in Carles Puyol uu ka qayb qaatay guushii soo laabashada ahayd ee ay xalay Barcelona ka gaartay Sevilla?

0
275

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa guul cajiib ah xalay ka gaartay kooxda Sevilla kulankii lugta labaad ee wareegga semi-fiinaalka Copa del Rey.

Waxaa xalay Camp Nou ay ciyaarta ka bilaabatay iyadoo Sevilla ay hoggaanka ku heyso 2-0 kaddib natiijadii ay garoonkeeda kusoo xaqiijisay lugtii hore ee ka dhacday garoonka Ramon Sanchez Pizjuan.

Barca ayaa 90-ka daqiiqo ee ciyaarta heshay labo gool oo ka kala yimid Ousmane Dembele iyo Gerard Pique, waxaana la aaday waqti dheeraad ah, iyadoo goolka saddexaad uu Barcelona siiyay Martin Braithwaite taasoo ka dhigtay in 3-0 ku adkaato kooxda martida ahayd.

Ronald Koeman kooxdiisa ayaa, sidaas darteed, wadarta labada lug kaga soo gudubta Sevilla natiijo 3-2 ah, iyagoo iska xaadiriyay kama dambeysta Copa del Rey oo ay la ciyaari doonaan Levante ama Athletic Club middii soo gudubta caawa.

Balse su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee ayuu Carles Puyol kaga qayb qaatay ciyaarta?

Kabtankii hore ee Barcelona ayaa barta Twitter-ka kula maadeystay laacibka Sevilla u ciyaara ee Suso Fernandez, kaasoo isaguna bartaas kula maadeystay Pedri kaddib natiijadii lugta koowaad.

Markii Barcelona laga adkaaday lugtii hore ee wareeggan, da’ yarka Bluagrana ee Pedri Gonzales ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in rigoore laga diiday kooxdiisa, balse waxaa qoraalkaas qaatay Suso oo jawaab ahaan u soo qoray dareen-muujiyaha (Emoji) oohinta isagoona u raaciyay “Habeen wanaagsan”.

Puyol oo ka fariistay u ciyaarista Barcelona sanadkii 2014 ayaa xalay dib ugu laabtay qoraalkii Suso, waxaana uu isaguna jawaab uga dhigay “Habeen wanaagsan” oo ah isla jawaabtii uu habeenkaas bixiyay laacibkii hore ee AC Milan.

Carles Puyol ayaa Barcelona ka tirsanaa xirfadiisa oo idil isagoo kabtan usoo noqday, waxaana uu xalay kula dabaal dagaayay baraha bulshada guushii ay kooxdiisii hore ka gaartay Sevilla lugta labaad ee wareegga nus-dhammaadka tartanka Copa del Rey.