Bangiga Dhexe oo Soo Saaray Amar Lagu Socodsiinayo Lacagta 50-ka Doollar ah

0
202

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar ku siiyay bangiyada gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada dalka in ay qaataan sidoo kalena socodsiiyaan isticmaalka lacagta 50-ka doollaar ah.

Qoraalka uu Bangigu ka soo saaray arrintaa ayaa yimid kaddib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay ganacsatada iyo bangiyadu diideen qaadashada lacagtaas sababo la xariira lacago been abuur ah oo la sheegay in dalka ay soo galeen.

Ra’iisul wasaare Mxaamed Xuseen Rooble ayaa isagana sidoo kale horay kulan ula yeeshay maamulayaasha bangiyada dalka.

Dhaqangalka amarka bangiga ayay ku diirsan doonaan dad badan oo jeebka ku heystay lacago 50 doollar ah oo ay horay ganacsatadu uga diideen in ay wax uga iibsadaan.

Bayaanka bangiga oo dhamaystira halkan ka akhriso