Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahankii hore Red Devils iyo tababaraha Manchester City sanadii 2009 ee Mark Hughes ayaa ka hadlay qandaraaska Manchester United ay kula jirto weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani.
Manchester United ayaa heysata fursado dhowr ah oo dhanka weerarka ah oo uu tababaraha reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær isticmaalay xilli ciyaareedkaan, laakiin saxiixa Cavani ayaa ahaa mid dheeri ah, sababa la xiriira khibrada weyn uu u leeyahay kubadda cagta Yurub.
Laakiin Mark Hughes ayaan jecleysan talaabadan ay qaaday Manchester United wuxuuna u sheegay warbaahinta:
“United waxay heysataa Marcus Rashford iyo Mason Greenwood aad ayeyna u jecel yihiin taageerayaasha.”
“Waxaa laga yaabaa inay u baahnaayeen Edinson Cavani 5 sano ka hor, laakiin hadda maahan.”
“Waxaa laga yaabaa in Cavani la shaqaaleeyay waqti qaldan, weli waa weeraryahan aan caadi aheyn, waxaana u maleynayaa inuu siinayo diirad saari dheeri ah.”
“Laakiin runta waxay tahay in ciyaartoy kale sida Martial ay doonayaan inay ka ciyaaraan boos kasta oo weerar ah, iyagoo ku qasban inay u laabtaan boosaska kale, sababa la xiriir joogitaanka Cavani ee kooxda.”
Edinson Cavani ayaa si xoogan ugu bilawday Manchester United wuxuuna u dhaliyay goolal badan oo muhiim ah, laakiin waxaa hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa dhawaanahan, wuxuuna dhaliyay kaliya 6 gool oo Premier League ah mana uusan awoodin inuu ku muujiyo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa horyaalka Premier League.