Ingiriiska oo yareeyey gargaarka uu siiyo Yemen.

0
235

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ingiriiska ayaa aad u yareeyey gargaarka uu siiyo Yemen, waxaanu arintaa ku sababeeyey in safmarka korona keenay “duruufo adag oo maaliyadeed oo dunida wada saameeyey”.

Xukuumadda Ingiriisku waxay sheegtay in ay sannadkan ugu deeqi doonto “ugu yaraan” 87 milyan oo Gini halka ay sannadkii hore ka bixisay 214 milyan oo Gini.

Hay’adaha gargaarka ayaa dhaleeceeyey arintaas. Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in yarayntaa gargaarku tahay “xukun dil ah”.

Xaaladda Yemen ka taagan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay duruufta ugu xun dunida ee aadamenimo.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ah saddex meeloodow laba bulshada Yemen ayaa ku tiirsan gargaarka aadamenimo.

Qiyaastii laba milyan oo caruur ahina waxay la liitaan nafaqo darro xun.

Yaraynta gargaarka Ingiriisku siiyo Yemen, waxa Isniintii lagaga dhawaaqay shir ay maqal iyo muuqaal ku yeesheen dalalka deeqda bixiyaaa oo uu ka qayb galay wasiiru dawlaha arimaha Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, James Cleverly.

Wuxuu sheegay in “caqabadaha heer caalami ah ee haatan jiraa” ay sababeen “dhibaatooyinka maaliyadeed ee dhamaanteen ina saameeyey”. Gargaarku sannadihii u dambeeyey ba hoos ayuu u sii dhacayey. Safmarkuna waaba ugu sii daray oo baahidii ayaa sii badatay.

Saraakiishii Qaramada Midoobay ee madasha ka hadlay ayaa ka dardaarweriyey in hadii ay Qaramada Midoobay heli weydo odoroskeeda ah 3.85 bilyan ee doolar sannadkan 2021, in malaayiin qof oo reer Yemen ahi ay macaluuli doonaan. Ilaa haatan ma cadda inta qaadhaan la ururiyey inta ay tahay.

David Beasley oo ah agaasimaha guud ee hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “waxa jirta macaluul kaabiga soo saartay dalkaas”.

Antonio Guterres ayaa isna sheegay in deeqihii buurnaa ee la bixiyey suurto geliyeen in laga baaqsado macaluul dalkaa ka dhacda sannadkii 2018, laakiin “maanta gargaarka oo la yareeyaa ka dhigan yahay xukun dil ah oo dadkaa ku dhacay”.