Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dadka laga helayo cudurka safmarka ah ee covid19 ayaa lagu soo waramayaa in uu sii kordhayo taasoo saameyn weyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in guud ahaan Cudurka laga helay 266 ruux oo ku sugan , islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,807
o Laga Helay: 266 o Banadir: 141
o Puntland: 88 (Natiijada Baaritaanada Hal usbuuc)
o Somaliland: 25 o Koonfurgalbeed: 4
o Hirshabelle: 3 o Jubaland: 3
o Galmudug: 2 o Lab: 163 o Dhedig: 103
o Dhimasho: 8 (6 xaalad dhimasho Banadir, 2 xaalad dhimasho Hirshabelle-Beledweyne)
o Bogsashada: 21 Tirada Guud ee Laga Helay: 7,257
Bogsashada Guud: 3,808 Dhimashada Guud: 239.