Muddada uu garoommada ka maqnaan doono Henderson & Kulammada uu seegi doono oo la sii ogaaday

0
176

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Jordan Henderson ayaa qarka u saaran inuu seego shanta kulan soo socota oo ay Liverpool ka ciyaari doonto tartamada oo dhan, sababo la xiriira dhaawac muruqa ah ee soo gaaray inta lagu guda jiray kulankii Everton ee horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa ka cabaneysa dhaawacyo badan oo soo gaaray safkeeda, taasoo ka dhigtay in hoos u dhac niyadjab leh ay la kulantay toddobaadyadii la soo dhaafay, maadaama ay la kulantay afar guuldarro xiriir ah ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England , Jordan Henderson ayaa garoomada ka maqnaan doona 4 todobaad, sababa la xiriira dhaawacii ka soo gaaray kulankii Everton, wuxuuna sidaas ku seegi doonaa 5 kulan oo Reds ah.

Jordan Henderson ayaa seegi doona 4 kulan ka tirsan Premier League, oo ay la ciyaari doonaan kooxaha Sheffield United, Chelsea, Fulham iyo Wolverhampton, mana ka soo muuqan doono kulanka RB Leipzig lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League.

Waxa kale oo uu seegi doonaa kulammada caalamiga ah ee xulkiisa qaranka England ee soo socda, iyadoo lagu wado in England ay biloowdo olalaheeda kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 oo ay la ciyaari doonaan San Marino, Albania iyo Poland dhammaadka Maarso.

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Jordan Henderson uusan aheyn mid fudud, laakiin ciyaaryahanka ayaa wali maraya baaritaano caafimaad, iyadoo Liverpool ay rajeyneysay inay baaritaan buuxa ku sameyso ilaa Talaadada.