Pochettino oo shaaca ka qaaday waxa uu Mbappe u sheegay ka hor kulankii xalay ee Barcelona

0
205

Paris Saint-Germain ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda oo ay ku booqatay Barcelona garoonka Camp Nou, xilli uu saddexleey saxiixay Mbappe, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4.

Tababaraha reer Argantina ee Mauricio Pochettino ayaa kaddib ciyaarta wuxuu u sheegay warbaahinta in Mbappe uu u yimid isaga tababarkoodii ugu dambeeyay ay ku sameeyeen garoonka Camp Nou, isla markaana uu weydiiyay inta jeer uu ku guuleystay garoonka kooxda Barcelona.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay inuu uga jawaabay laacibkiisa in Barcelona uu kaliya kaga adkaaday garoonka Camp Nou isagoo hoggaaminayay kooxdiisii hore ee Espanyol kulankii Catalan derby.

Laakiin Kylian Mbappe ayaa wuxuu jawaab kaga dhigay hadalka macalinkiisa saddexleydii uu ka dhaliyay shabaqa uu ilaaliyaha ka yahay Ter Stegen, isagoo kulanka kahor sheegay in kooxdiisa ay garaaci doonto Barcelona, isla markaana Pochettino uu labo guulood ku lahaan doono garoonka Camp Nou.