Paris Saint-Germain ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda oo ay ku booqatay Barcelona garoonka Camp Nou, xilli uu saddexleey saxiixay Mbappe, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ronald Koeman, kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxay ahaayeen kuwa sarreeya, waxay nagu dhaafeen waxtar badan gaar ahaan Mbappe.”
“Qeybtii hore xaalada wey iska agdhoweyd, laakiin qeybtii labaad waxaa jiray dhibaatooyin dhanka daafaca ah, waxayna muujiyeen sida ay uga sarreeyaan dhanka jirka iyo wax walba.”
“Waxay heystaan koox ka dhameystiran tan aan anaga heysano, waana inaan aqbalnaa arintan oo aan sii wadnaa hormarada, waan ognahay inay taasi dhici karto.”
Intaas kaddib Ronald Koeman ayaa ka hadlay kulanka lugta labaad wuxuuna yiri:
“Waa inaad ciyaartaa, laakiin natiijada waa 4-1 oo aad u dhib badan, waxaa jira xulashooyin yar.”