Kooxda Manchester United oo bedelka Paul Pogba ka dhex heshay Real Madrid… (Miyuu xiddiga reer France ka tagayaa Old Trafford?)

0
198

Wargeyska The Sun ayaa daabacay in laacibka khadka dhexe ee Real Madrid, Valverde uu diiradda u saaran Man United kuna jiro liiska xiddigaha ay suuqa ka doonayso.

Inkastoo suurtogalnimada Paul Pogba uu ugu sii nagaan karo Manchester United muddo dheer ay si weyn kor ugu kacday tan iyo sanadkii hore, haddana weli waxaa la filayaa inuu xiiso ka helo kooxaha ugu fiican Yurub.

Haddii uu doorto inuu baxo, markaas Federico Valverde oo ka tirsan Kooxda Real Madrid ayaa ku jira liiska beddelka suurtagalka ah ee Man United ay ku beddelayso booska ku guuleystaha Koobka Adduunka sida uu qoray Wargeyska The Sun.