(
hoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay xalay kooxdiisa kaga gaartay naadiga Newcastle United horyaalka.Chelsea ayaa la wareegtay booska afaraad kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Newcastle United 2-0 ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League, iyadoo Blues ay labada gool u kala dhaliyeen Olivier Giroud iyo Timo Werner.
Shabakada “Football London” ee dalka England ayaa shaacisay wareysiga uu bixiyay tababare Thomas Tuchel kaddib ciyaarta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Ma joojin doonno cadaadiska, wadada wali way dheertahay, waxaa jira kooxo badan oo aad isugu dhow.”
Tuchel ayaa ammaanay laacibkiisa Timo Werner, kaasoo dhaliyay gool, mid kalena caawiyay, inta ay ciyaarta socotay, wuxuuna yiri:
“Si adag ayuu u shaqeeyay, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna caawiyay gool kale, taasi waa wax wanaagsan, iyo talaabo fiican uu isagu qaaday.”
Intaas kaddib Thomas Tuchel ayaa ka hadlay kulanka ay kula ciyaari doonaan Atletico Madrid Isbuuca soo socda Champions League, wuxuuna yiri:
“Atletico waa mid ka mid ah kooxaha ay adag tahay in laga adkaado, halkan waxaa ka dhici doono labo kulan oo cirib tir ah, laakiin wax walba oo ay ahaato waxaan diirada saareynaa kulanka soo socda ee Southampton.”