Ku guuleystaha Koobka Adduunka ee sanadkii 1978 oo Korona Fayras u geeriyooday

0
253

Luque ayaa Isbitaal u galay KOFID 19 waxaana uu ku guuldarreystay inuu ka soo kabsado Korona Fayraskii heleelay, sida ay warinayso Warbaahinta Argentina.

Waxa uu u dhaliyey afar gool xulkii Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee ay ku qaadeen ciiddooda sanadkii 1978-kii, waxaana ku jiray goolashaas gool dhul madhacdo ahaa (Volley) oo uu wareeggii ugu horreeyey ka dhaliyey xulka Faransiiska.

Weeraryahankan geeriyooday ayaa 21 gool u dhaliyey 43 kulan oo uu u saftay xulka qaranka Argentine, sidoo kale waxa uu lagu yaqaanay kooxda River Plate, isagoo u ciyaaray intii u dhexeysay 1975 iyo 1980.

Image result for Leopoldo Jacinto Luque

Luque ayaa dhaliyey 84 gool 207 kulan oo uu u saftay River Plate, waxaana uu kula guuleystay shan horyaal kooxda ka dhisan Magaalada Buenos Aires.

Kaddib wuxuu ka shaqeeyay xoghayaha isboortiga ee gobolka Mendoza iyo waaxda qorista ee River Plate laga bilaabo 2017 .

Xiriirka kubadda cagta Argentine ee Argentina Football Association ayaa dhankooda barta Twitter-ka ku xaqiijiyey geerida Leopoldo Jacinto Luque.