Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa tallaalka AstraZeneca ku dartay liiska tallaallada degdegga ah ee lagula tacaali karo xanuunka Covid-19.
Arrinta ay hay’adda soo saartay ayaa bishaaro u ah dalalka soo koraya ee dunida maadaama tallaalkani yahay mid qiimo jaban lagu heli karo.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in hay’addu ay awood u leedahay in tallaalkaas ay gaarsiiso meel walba hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo soo saaristiisa si dunida oo idil uga faa’iideysato.
Ujeedka laga leeyahay qaadashada tallaalkan ayaa ah sidii loo xakamayn lahaa halista xanuunka sidoo kalena loo yareyn lahaa heerka tirada geerida.
Hay’adda ayaa sheegtay in dalalka aan helin tallaalka marka ugu horreyso loo tallaali doono kaadirka caafimaadka iyo dadka aadka u nugul.
Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in ay masuuliyad weyn iska saari doonto fududeynta sidii uu tallaalku ku gaari lahaa meel walba.
Xanuunka Covid-19 ayay u geeriyoodeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 2.4 milyan oo qof.