Shirkadda Twitter iyo Dowladda Hindiya oo Yeelanaya Wadahadallo Gaar ah

0
173

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)- hirkadda Twitter ayaa sheegtay in ay wada-hadallo la yeelaneyso dowladda Hindiya kuwaas oo la xiriira dalab dhowaan ka yimid wasaaradda Teknoolajiyadda dalkas oo Twitter looga dalbaday in ay xirto ku dhowaad 1,200 oo akoon .

Wasaaradda Teknaloojiyadda Hindiya ayaa akoonnadani ku eedeysay in ay faafinayaan macluumaad been abuur ah iyo abaabulka dibad-baxyo lagu kicinayo beeraleyda dalkeeda.

Bishan aynu ku jirno 4-teedii ayey New Delhi ka dalbatay mamaulka Twitter in gabi ahaanba hawada ay ka saarto koontooyinkan oo ay Hindiya ku cel celisay in ay gadaal ka riixayaan kooxo kale oo ka soo jeeda dalka la deriska ah ee Pakistan.

Hay’adaha ammaanka Hindiya ayaa sheegay in inta badan akoonnadani ay gadaal ka riixayaan kooxo shisheeye isla markaana ay baahinayaan warar been abuur ah iyo hurinta mudaaharaadyada beeraleyda Hindiya.

Twitter horay uma shaacin an ay aqbashay dalbka Wasaaradda.

“Waxaan sii wadeynaa wadhadal aan la yeelaneyno dowladda Hindiya waxaana ixtiraameynaa dalabka ka yimid Wasaaradda Teknoolajiyadda” ayey tiri Af-hayeen u hadashay Twitter.