Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Madaxa hay’adda Save the Children ee gobolka Hiiraan Maxamed Abukar Cabdulle Muumin, xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan iyo waxgarad ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanka Ceel jaale ee magaalada Baladweyne.
Kharashka ku baxay dhismahan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa waxaa bixiyay Sheekh Thani bin Cabdulahi Thani, waxana fuliyay ama dhisay hay’adda Save the Cildren oo kaashaneysa wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle.
Madaxa hay’adda Save the Children ee gobolka Hiiraan Maxamed Abukar Cabdulle Muumin ayaa sheegay in ka hay’ad ahaan ay gacan ka geystan doonaan sidii loo sii wadi lahaa howsha xaruntan.
“Dhamaan cid kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha iyo qalabeynta xaruntan oo uu ugu horeeyo Sheekh Thani bin Cabdulahi Thani, anaga ka ha’yad ahaan waxaan gacan ka sii geysan doonaa sidii howshan loo sii wadi lahaa, maanta laga bilaabana waa meel dan guud ma jirto cid gaar u leh.”ayuu yiri madaxa hay’adda Save the Children ee gobolka Hiiraan Maxamed Abukar Cabdulle Muumin.
Isku duwaha wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ee degmada Baladweyne Qorane Maxamuud indhooy ayaa bogaadiyay daah furka xaruntan isagoo sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii xaruntan u noqon laheyd mid shaqeysa.
“ Waa ogthiin xaafaddan kooshin oo ka mid ah xaafaddaha Baladweyne, baahi weyn ayaa loo qabay MCH-kan, waa uga mahad celineyna hay’adda Save The Children sida ay noo garab istaagtay, waxaan ku dadaali doonaa sidii isbitaalkan uu noqon lahaa mid shaqeeya.”ayuu yiri isku duwaha wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ee degmada Baladweyne Qorane Maxamuud indhooy.
Xaruntan caafimaad ee xariga laga jaray ayaa lagu qiyaasay inay qaadi doonto dad ku dhow kun ruux.