Madaxweynaha Mareykanka Oo cunaqabteyn Culus Ugu Hanjabay Myanmar

0
206

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wararka eynu ka heleyno Waddanka Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxwaynaha dalkaasi Joe Biden, uu si adag u cambaareeyay afgembigii milatari ee ka dhacay dalka Myanmar, isaga oo sheegay in kuwa ka mas’uulka ah lagula xisaabtami doono.

Madaxweyne Biden ayaa intaa ku daray in xarigga Aung San Suu Kyi iyo hoggaamiyayaasha kale ee rayidka ah ay tahay weerar toos ah oo ka dhan ah dimuqraadiyadda iyo sareynta sharcigga.

Joe Biden aya ku baaqay in wadamada caalamka ay ka jawaabaan arrintan waxaa uuna ku hanjabay cunaqabateyn cusub oo lagu soo roggo dalka Myanmar haddii aysan militariga ka noqon tallaabooyiinka ay qaadeen.

Dhanka kale Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay kulan deg deg ah ka yeeshaan afgembiga ka dhacay dalka Myanmar.

Afgambiga ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa dowladda rayidka ah ee Suu Kyi iyo militariga, taasoo daba socotay natiijadii doorashada ee lagu murmay.