Liverpool oo saddexda dhibcood kaga soo qaadatay West Ham United garoonkeeda London Stadium

0
317

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Liverpool ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay West Ham United garoonka London Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mohamed Salah oo caawin ka helay Curtis Jones.

68 daqiiqo Mohamed Salah ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Xherdan Shaqiri.

Daqiiqadii 84-aad kooxda Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Georginio Wijnaldum, waxaana goolkan ka caawiyay Roberto Firmino

Kooxda West Ham United ayaa daqiiqadii 87-aad la timid gool, kaddib markii ay gool ka heshay xiddigeeda Craig Dawson, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-3 oo ay Liverpool kaga soo adkaatay kooxda West Ham United oo ay ku booqatay garoonka London Stadium. Reds ayaa haatan ku jirta booska saddexaad ee dhanka kala sareynta horyaalka.

SAWIRRO:

Mohamed Salah (C) celebrates with his team-mates after scoring Liverpool's first goal against West Ham on Sunday