Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay sida uu ugu dhowyahay wiilka da’da yar reer Norway ee Martin Ødegaard, kaasoo la filayo inuu qaab amaah ah kaga soo dhaqaaqo naadiga Real Madrid.
Arsenal ayaa xalay guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka St. Mary, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulankeedii 20-aad ee horyaalka Premier League.
Ciyaarta kaddib macalinka reer Spain ayaa kala hadlay warbaahinta, wararka Ødegaard la xiriirinaya kooxda Arsenal, wuxuuna yiri:
“Waxaan u maleynayaa inaan aad isugu dhownahay, laakiin heshiiska wali lama dhameystirin.”
“Lama hadlin Edu Gaspar “Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda” saddexdii saac ee la soo dhaafay, laakiin waxaan aad ugu qanacsanahay awooda aan u leenahay dhameystirka heshiiska.”
Wargeysyada England ayaa waxay sheegeen in Martin Ødegaard uu maray tijaabada caafimaadka, taageerayaasha Gunners ayaa sugaya in heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqo isbuucaan.
Martin Ødegaard oo 22 jir ah ayaa ku fiican ka ciyaarista boosaska midig iyo bidix iyo sidoo kale khadka dhexe ee wax weerarka.