Horudhac: Southampton vs Arsenal… (Saddex maalin kaddib markii Gunners laga soo reebay FA Cup-ka, Saints oo markale kulan horyaalka ah qaabilaysa Kooxda Arteta)

0
332

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kaliya saddex maalmood kaddib markii la soo gabagabeeyey difaacashadii FA Cup-ka ee Kooxda Arsenal oo lagu reebay wareegga afaraad, Southampton ayaa markale kulan horyaalka Premier League ah caawa soo dhoweynaysa Gunners.

Gool uu iska dhaliyey daafaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa wax kasta soo gabagabeeyey kulankii Sabtidii ka dhacay garoonka St Mary, iyadoo Saints ay guul 1-0 ah ka qaadatay kooxda xafidanaysa tartanka FA Cup-ka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: St Mary

Garsooraha: Mike Dean (England)

Wararka kooxaha:-

Southampton aya heli doonin daafacyadeeda Ryan Bertrand iyo Kyle Walker-Peters sababo la xiriira ganaax iyo dhaawac.

Laakiin Nathan Redmond ayaa markale taam ah, waxaana uu soo geli doonaa kursiga keydka kulanka ay wajahayaan Arsenal.

Macallin Mikel Arteta ayaan hubin goorta Weeraryahanka Gunners ee Pierre-Emerick Aubameyang uu markale diyaar noqon doono.

Weeraryahanka Gunners ayaa kulankii ay guuldarrada la kulmeen Sabtidii ee FA Cup-ka waxa uu ku seegay arrimo shaqsiyadeed.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Kani waa kulankii labaad oo ay oo ay wada ciyaaraan labadan kooxood kaliya afar maalmood kaddib markii ay Southampton 1-0 ku garaacday Gunners Sabtidii ciyaar qeyb ka ahayd FA Cup-ka.

Southampton ayaa guuleysatay kaliya hal jeer tobankii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier league oo ay labadan kooxood wada ciyaareen, waxa ay barbaro gashay afar jeer, halka ay guuldarro la kulantay shan jeer.

Dhammaan todobadii guul ee ay Saints ka gaartay Arsenal horyaalka Premier League ayaa imaanayey marka ay garoonkeeda ku ciyaareyso.

Southampton

>- Southampton ayaa kaliya hal guul gaartay lixdii kulan ee ugu dabeeyey horyaalka Premier League, waxa ay barbaro galeen saddex kulan, iyagoo guuldarro la kulmay labo jeer.

>- Kaddib markii ay gool dhaliyeen 12 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, Saints ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso afar ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey.

>- Theo Walcott ayaa noqon kara kaliya ciyaaryahankii hore ee Arsenal, kaasoo minin iyo marti gool kaga dhaliya iyaga hal xilli ciyaareed gudihiis, waxaana uu kula biiri doonaa arrintaas, Kevin Campbell, Nicolas Anelka iyo Robin van Persie.

>- Jack Stephens ayaa safan kara kulankiisii 100-aad ee horyaalka Premier League.

Arsenal

>- Arsenal ayaa guuleysatay afar ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, waxaana kaliya laga dhaliyey hal gool.

>- Guuldarradii Sabtidii ka soo gaartay Saints waxa ay ahayd tii ugu horreysay muddo todobo kulan ah, iyadoo gool laga dhaliyey markii ugu horreysay muddo siddeed saacadood iyo 28 daqiiqo ah.

>- Waxa ay shabaqooda gool ka ilaashan karaan shan kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2006.

>- Kaliya Aston Villa iyo Manchester City ayaa laga dhaliyey goolasha ugu yar marka ay marti tahay horyaalka Premier League, marka loo eego Arsenal oo sideed gool oo horyaalka ah looga dhaliyey bannaanka xilli ciyaareedkan.

>- The Gunners ayaa raadinaysa guusheedii saddexaad oo xiriir ah oo ay ku soo gaarto meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Premier League iyadoo aan gool laga dhalin markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2013-kii.

>- Mikel Arteta waa guuldarro la’aan (unbeaten) dhammaan todobadii kulan ee horyaalka Premier League uu isagoo ciyaaryahan ah iyo isagoo tababare ah ku wajahay Saints.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-