Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu soo afmeeray shirka wadatashiga guddoomiyasha degmooyinka gobolka Hiiraan

0
223

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Arrimaha diirada lagu saaray shirkan ayaa waxaa ka mid ah ammaanka, dib u heshisiinta, la dagaalanka ayaxa iyo caawinta dadka dhibaateysan, waxana shirkan goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ku xigeennadiisa iyo guddoomiyayasha degmooyinka gobolka Hiiraan.

Shirkan ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban shan qodob waxana warbaahinta u akhriyay afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi.

“ Shirkan oo muddo todobaad ah u socday madaxda maamulka gobolka Hiiraan iyo guddoomiyasha degmooyinka gobolka islamarkana diirada lagu saaray amniga, la dagaalanka Ayaxa, iyo caawinta dadka dhibaateysan, waxaa la isku afgartay qodobada, in sare loo qaado isku xirka iyo wada shaqeynta degmooyinka gobolka, xoojinta howlgallada lagu sugayo ammaanka gobolka Hiiraan, iyo in la bilaabo qorshaha hirgelinta dib u heshisiinta beelaha gobolka iyo in warbixin dhameystir iyo xog ururin la xiriirta xaaladda nololeed, bulsho, amniga iyo shaqo ay wadaagan maamulka heer gobol iyo degmooyin, saddexdii biloodba mar.”ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi.

Qodobadan ka soo baxay shirka wadatashiga guddoomiyasha degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa hadii ay hirgalan wax badan ka badali doona, xaaladda nololeed, iyo mida amni iyadoo hadda degmooyinka gobolka Hiiraan inta badan ay adag tahay in la iskugu safro.