Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka UD Cornella ee tartanka Copa del Rey.
Barcelona ayaa booqan doonta kooxda kubadda cagta ee UD Cornella, waxaana liiskan laga saaray xiddigaha Gerard Piqué, Sergi Roberto, Philippe Coutinho, Ansu Fati iyo Sergiño Dest sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan.
Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale weyn doonta adeega xiddigeeda Lionel Messi sababa laxiira kaarkii roosaha uu qaatay kulankii Athletic Bilbao, Ronald Koeman ayaa sidoo kale liiskan kaga reebay xiddigaha Jordi Alba iyo Frenkie de Jong sababa farsamo awgeed.
Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka UD Cornella ee tartanka Copa del Rey.