Red Devils haddii ay caawa ka fogaato guuldarro ka soo gaartay naadiga ay martida u tah ay ee Burnley, waxa ay ka sare mari doontaa Kooxda Liverpool oo haatan hoggaanka u haysa horyaalka horyaalka Premier League.
Kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarrenta horyaalka, waxaana ay min 33-dhibcood la wadaagaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Reds, halka Burnley ay ku jirto booska 16-aad, iyadoo 16-dhibcood ka uruusatay 15-keedii kulan ee ay ka ciyaartay horyaalka fasal ciyaareedkan 2020-21.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: Turf Moor
Garsooraha: Kevin Friend (England)
Wararka kooxaha:-
Ciyaaryahanka kooxda Burnley ee Charlie Taylor ayaa shaki laga galinayaa kulankan, maxaa yeelay waxa uu qabaa dhaawac bowdada ah, halka daafacooda Kevin Long sidoo kale xaaladdiisa la la socon doono kaddib markii uu soo gaaray dhaawac canqowga ah.
Jay Rodriguez iyo Dwight McNeill ayaa la dagaalamaya dhaawacyo sidoo kale waa la qiimeyn doonaa ka hor kulanka.
Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Edinson Cavani ayaa diyaar ah markale kaddib markii uu soo dhammaystay saddex kulan oo ganaax ah.
Victor Lindelof iyo Luke Shaw ayaa kooxda u soo laaban kara kulankan, halka Paul Pogba, kaasoo sidoo kale seegay guushii FA Cup-ka xaaladdiisa la qiimeyn doono.
Eric Bailly, kaasoo garoonka looga saaray dhaawac qoorta ah guushii ay ka soo gaareen Watford ayaa sidoo kale wajahaya tijaabo xilli dambe ah haddii uu ciyaari karo kulankan.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Kooxda Manchester United ayaa guuleysatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier LEague oo ay booqatay Burnley.
>- Burnley ayaan gool dhalin mid kasta oo ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Man United.
>- Laakiin Clarets ayaa guul 2-0 ku soo gaartay garoonka Old Trafford kulankoodii ay yeesheen bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxayna Man United ka gaari karaan guulo isku xiga horyaalka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1968-kii.
>- Kooxda martida loo yahay ayaan guuleysan mid kasta oo ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League.
Burnley
>- Burnley ayaa doonaysa inay gaarto shan kulan oo horyaalka ah garoonkeeda iyadoo aan laga badinin (3 Guul, 1 barbaro), waxaana laga yaabaa inay badiso saddex kulan oo isku xigta oo garoonkeeda Turf Moor ah markii ugu horreysay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii.
>-Waxa ay badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 25-kii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaaraan lixda koox ee ugu sarreysa (4 barbaro, 20 guuldarro) iyo guushii 2-1 ee ay ka gaareen Spurs bishii Febraayo ee 2019.
>- Kooxda Clarets ayaa dhalisay kaliya sagaal gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan; kaliya kooxda ugu hooseysa Sheffield United ayaa dhalisay goolal ka yar.
>- Chris Wood oo leh saddex gool, waa ciyaaryahanka kaliya ee Burnley kaasoo gool dhaliyay wax ka badan hal jeer horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, Burnley ayaa badisay kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka sanadkaan kaliya mid ka mid ah lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay (2 barbaro iyo 3 Guuldarro).
Manchester United
>- Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) todobankeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka, waxa ay guuleysatay 8 kulan, halka ay barbaro gashay 2 kulan oo kale.
>- The Red Devils waa kooxda kaliya ee aan laga badinin bannaanka garoonkeeda xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League (6 guul, 1 barbaro) mana aysan lumin mid ka mid ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay martida ahaayeen.
>- Dhammaan lixdii horyaal ee ay ku soo ciyaareen bannaanka xilli ciyaareedkan waxay yimaadeen kaddib markii laga dhaliyay goolka furitaanka.
>- Waxay dhaliyeen 21 gool iyagoo ka maqan garoonkooda, waana in ka badan kooxaha kale ee heerka sare – laakiin weli ma aysan ilaashan shabaqeeda safarradaas.
>- Bruno Fernandes oo dhaliyey 19 gool isla markaana caawiyey 14 gool oo kale ayaa ku lug yeeshay in ka badan kala bar goolasha ay Manchester United ka dhalisay horyaalka Premier League, waxaana uu gacan ka geystay 33 gool 63 gool oo ay horyaalka ka dhalisay kooxda tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyey kooxda tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay.
>- Anthony Martial ayaa shabaqa soo taabtay dhammaan saddexdii kulan ee uu Kooxda Burnley kaga horyimid garoonkeeda Turf Moor.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-