Kooxda Zinedine Zidane ayaa soo gali doonta tartanka kaddib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen Elche habeenkii Arbacada, halka Celta ay sii waday qaab ciyaareedkeedii fiicnaa kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen Huesca.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Taariikhda: Sabti 02 Jan 2021
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Alfredo Di Stefano
Garsooraha: Ricardo De Burgos (Spain)
Wararka Kooxaha:-
Rodrygo ayaa ah dhaawaca kaliya ee Real Madrid ka maqan kulankan, iyadoo Eden Hazard uu ku soo bilaaban doono garabka bidix ee weerarka.
Ferland Mendy waa inuu ku soo laabtaa daafaca bidix ee booska Marcelo kooxda martida loo yahay.
Marka laga reebo Hazard oo booska Marco Asensio iyo Mendy oo ku soo bilowda, wax isbedel kale ah lagama filayo Tababare Zinedine Zidane.
Santi Mina ayaa ka sii garab ciyaari doona Iago Aspas dhanka weerarka kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac.
Wax isbedel ah lagama filayo gabi ahaanba kooxda Celta Vigo oo ku sii socota qaab ciyaareed aan horay loo arag oo soo hagaagay intii uu macalinka cusub ahaa Eduardo Coudet.
Saxiixa amaahda cusub ee Aaron Martin lama filayo inuu si toos ah ugu soo biiro dhanka daafaca bidix ee kooxda martida ah.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Kooxda ayaa guuleysatay 12 ka mid ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaarta horyaalka La Liga.
>- Celta Vigo ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato 35 ka mid ah 38-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen horyaalka La Liga.
>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Celta Vigo tartammada oo dhan.
>- Kooxda Real Madrid ayaan la garaacin siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Celta Vigo dhammaan tartammada kala duwan.
>- Celta Vigo ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-