(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Manchester United ayaa doonaysa inay ku soo laabato wadada guusha ee horyaalka Premier League, marka ay kooxda Wolverhampton Wanderers ku soo dhoweynayso caawa garoonkeeda Old Trafford.
Labada kooxood ayaa ku kala tagay iyagoo min hal dhibic ka soo helay kulammadoodii ugu dambeeyey ee horyaalka.
Man United ayaa barbaro la soo gashay Leicester City, halka Wolves ay lafteedu barbaro ka heshay Tottenham Axaddii.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 9:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: Old Trafford
Garsooraha: Jon Moss (England)
Wararka kooxaha:-
Kooxda Manchester United ayaa qiimeyn doonta taam ahaanshaha Weeraryahankeeda Marcus Rashford, kaasoo dhaawac garabka ah ka soo gaaray kulankii ay barbaraha la galeen Leicester City Maalinta Boxing Day.
Daniel James ayaa ku dhaawacmay garoonka King Power Stadium, halka Aaron Wan-Bissaka iyo Victor Lindelof ay weli maqnaan doonaan.
Wolves ayaan wax dhaawac cusub ah qabin kulanka ay safarka ku tagayaan garoonka Old Trafford, iyadoo la filayo inay shaxdooda waxoogaa isbedel ah ku sameeyaan.
Raul Jimenez, Willy Boly, Leander Dendoncker iyo Jonny ayaan wali heli karin oo sii wadan doona maqnaanshahooda.
Xaqiiqooyinka Ciyaartan:-
Fool Ka Fool
>- Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah sagaalkii kulan ee ay garoonkeeda kula ciyaartay Wolves horyaalka Ingiriiska, waxaana ay guuleysatay lix kulan, halka ay barbaro galeen saddex kale.
>- Wolves ayaan wali wax guuldarro ah la kulmin Man United tan iyo markii ay ku soo laabatay horyaalka Premier League sanadkii 2018.
Manchester United
>- Man United ayaan laga badinin saddexdii kulan ee gurigooda ay ku ciyaareen, iyagoo badiyay labo kulan, kaddib lix kulan oo aysan wax guul ah ku gaarin Old Trafford.
>- Reds ayaa dhalisay goolal badan kulankii ay 6-2 kaga badiyeen Leeds United kulankoodii ugu dambeeyay ee garoonkooda.
>- Ma aysan lumin Man Utd kulankooda ugu dambeeya ee horyaalka sanadka siddeed xilli ciyaareed, shan guul ayay gaareen iyo saddex kalena barbaro ayay galeen.
>- United ayaa laga yaabaa in laga dhaliyo labo gool afar kulan oo isku xiga kaliya markii labaad taariikhda Premier League.
>- Bruno Fernandes ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 31 gool 28 kulan oo Premier League ah oo uu saftay, wuxuu dhaliyay 18 gool, isagoo dhigay ama caawiyey 13 gool oo kale.
>- Edinson Cavani ayaa dhaliyey saddex gool isla markaana caawiye aka ahaa labo goo loo kale todobadii kulan ee uu ciyaaray horyaalka Premier League isagoo ka soo kacay kursiga keydka.
>- Man Utd ayaa shabaqeeda gool ka la ilaashatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay naadiga Wolves tartammada oo dhan.
>- Man Utd ayaan la garaacin sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Wolves tartammada oo dhan.
>- Kooxda Man Utd ayaan la garaacin siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.
Wolves
>- Wolves ayaa laga yaabaa inay lumiso saddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay marti ahaayeen markii ugu horeysay tan iyo bishii April ee sanadkii 2012-kii.
>- Wolves saddexdii gool ee ugu dambeeyay ee horyaalka dhamaanteed waxaa la dhaliyay shantii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulammada.
>- Guuldarradu waxay tuseysaa in iyagu ay guul darreystaan kulankoodii ugu dambeeyay sanad gudihiis xilli ciyaareedyo isku xiga markii ugu horreysay tan iyo 1985-kii.
>- Afar ka mid ah shantiisii gool ee ugu dambeeyay oo Romain Saiss ka dhaliyey horyaalka Premier League ayaa ahaa kuwo ka yimid dhinaca koornaha oo uu madax ku dhaliyay.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-