Horudhac: Chelsea vs Aston Villa… (Blues oo doonaysa inay caawa iska dhaqdo ceebtii ka soo gaartay Gunners)

0
217

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda Chelsea ayaa doonaysa inay ka soo kabato guuldarradii 3-1 ee darbiga London ahayd ee ka soo gaartay Arsenal markii ay caawa ku soo dhaweynayaan Aston Villa garoonka Stamford Bridge.

Taas bedelkeeda, Villa ayaa aadaysa Stamford Bridge kaddib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Crystal Palace, iyadoo kooxda Dean Smith ay wacadaro dhigeyso xilli ciyaareedkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 8:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

Wararka kooxaha:-

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay inuu lix ama todobo isbedel ku sameyn doono shaxdiisa, iyadoo Callum Hudson-Odoi uu qarka u saaran yahay inuu markiisii labaad ku soo bilowdo safka hore ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Hakim Ziyech ayaa ku soo laabanaya garoonka kaddib dhaawac bowdada ah oo uu la maqnaa.

Daafaca Aston Villa ee Tyrone Mings ayaa ganaax ku seegaya kulankan maxaa yeelay waxaa garoonka laga saaray kulankii ay la ciyaareen Kooxda Crystal Palace.

Ross Barkley ayaan wajihi doonin kooxda milkiyaddiisa iska leh, halka Trezeguet uu weli baaqi ku sii ahaan doono maqnaanshihiisa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Chelsea ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League ku wajahday Aston Villa, waxaana ku jira lixdii kulan ee ugu dambeeyey weliba si xiriir ah.

>- Villa ayaan ku soo adkaan garoonka Stamford Bridge tan iyo markii ay 3-1 ku soo gaartay kulan horyaalka Premier League ah bishii December ee sanadkii 2011-kii, waana guusha kaliya ee Villa ay ku gaarto garoonkaas kulammada horyaalka muddo 18 sano ah.

Chelsea

>- Chelsea ayaa laga badiyay saddex ka mid ah afarteedii kulan ee ugu danbeeyay Premier League kaddib markii aan laga badinin 17 kulan oo ay ciyaartay tartammada oo dhan ah.

>- Si kastaba ha ahaatee, waxa ay guuldarro la’aan yihiin lixd kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay, waxaana ay guuleysteen afar kulan, halka ay barbaro galeen labo kulan.

>- Tirada dhibcaha ay haysato Chelsea oo ah 25-dhibcood, waa tii ugu yarayd kaddib marka ay ciyaarto 15 kulan oo horyaalka ah inta uu kooxda madax u yahay Roman Abramovich kaddib markii ay 15-dhibcood heleen heerkaan oo kale xilli ciyaareedkii 2015-16.

>- Blues ayaan guuldarro la kulmin kulankeeda ugu dambeeya horyaalka Premier League marka ay dheeleyso dhammaadka sanadka sidaan oo kale, tan iyo markii ay guuldarro 3-1 la kulmeen iyagoo wajahayey Villa sanadkii 2011-kii.

>- Jorginho ayaa khasaariyey saddex ka mid ah lixdiisii gool ku laad ee ugu dambeeyey oo uu kooxda u tuuray, isagoo dhaliyey siddeediisii rigoore ee ugu horreysay oo uu u laaday Blues tartammada oo dhan.

Aston Villa

>- Aston Villa ayaa guuleysatay siddeed ka mid ah 13-keedii kulan ee furitaanka horyaalka Premier League markeedii labaad, iyadoo sidaas oo kale sameysay fasal ciyaareedkii 1998-99.

>- Inay Villa 25 dhibcood heshay kaddib 13 kulan oo ay ciyaartay horyaalka ayaa ah tii ugu fiicnayd ee Premier League muddo 22 sano ah.

>- Villa ayaa guuldarrada kaliya ee horyaalka ku soo gaartay bannaanka waxa ay kala kulantay West Ham 30 bishii November, waxaana ay guuleysteen dhammaan shanta kale oo ay dibadda ku soo ciyaareen.

>- Ollie Watkins ayaa ku guuldarreysatay inuu gool dhaliyo lix kulan oo uu ciyaaray kaddib markii loo diiwaan geliyey inuu dhaliyey siddeed gool 10-kiisii kulan ee markaas ka hor uu u saftay Aston Villa.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-