Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Xiriirka Kubadda Cagta fedraalka Soomaaliya ayaa 4 ciyaartooy oo kamid ah Xulka kubadda cagta dowlad gobaleedka Jubbaland u qaatay in ay kamid noqdaan ciyaartoyda Matalayo Xulka Qaranka Jamhuuriyadda fedraalka ah ee Soomaaliya.
Ciyaartoydaan uu xiriirka kubadda cagta Soomaaliya u qaatay in ay kamid noqdaan xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kala ah Axmed Cabdi Cumar, Fu’aad Maxamed Yuusuf, Mahad Maxamed Hiloowle iyo Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo dhammaantood kamid ah xulka kubadda Cagta dowlad gobaleedka Jubbaland.