Harry Maguire oo hal arrin kala taliyay saaxiibadiisa kooxda Manchester United

0
249

Hadalka Harry Maguire ayaa wuxuu imaanayaa kaddib guushii xilli dambe ay xalay kaga gaareen kooxda Everton tartanka Carabao Cup-ka.

Kulankii Siddeed dhamaadka Carabao Cup ee u dhexeeyay kooxaha Everton iyo Manchester United ayaa ku soo idlaaday 0-2 ay ku adkaadeen wiilasha Ole Gunnar Solskjær, Red Devils ayaana sidaas ugu gudubtay Afar dhammaadka tartankan.

Harry Maguire ayaa ciyaarta kaddib wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Wuxuu ahaa bandhig aad u fiican, wuxuuna ahaa waajib ina saran, waxaan helnaa 3 ama 4 fursadood, waxaan u baahanahay inaan go’aan karno.”

“Waxaa nalaga filayaa inaan ku guuleysano koobab, waa muhiim inaan gaarno kulamadan waa weyn, laakiin waa inaan bilownaa ku guuleysigooda isla markaana aan koobabka qaar kor u qaadnaa, kooxdan darteed.”

Si kastaba ha noqotee, isku aadkii la sameeyay ee afar dhamaadka tartanka Carabao Cup ayaa Manchester United lagu aadiyay kooxda Manchester City, halka Tottenham Hotspur lagu beegay Brentford, oo ka ciyaarta heerka labaad.

Kulammadan afar dhammaadka tartanka Carabao Cup ayaa la ciyaari doonaa bisha January, iyadoo kulanka Manchester Derby lagu ciyaari doono garoonka Old Trafford 4-ta bisha January, waana kulan bug bax ah.