Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Athletic Bilbao… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

0
183

Real Madrid ayaa ku soo dhaweyn doonto kooxda kubadda cagta ee Athletic Bilbao garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Zinedine Zidane ee ka kooban 20 ciyaaryahan, lagu arkay inuu ka maqan yahay xiddiga reer Brazil ee Casemiro, kaddib markii uu kaarka jaalaha qaatay inta lagu guda jiray kulankii la soo dhaafay ee Madrid Derby.

Sidoo kale waxaa liiska xiddigaha kooxda Real Madrid dhaawac dartiis ugu maqan xiddigaha kala ah Mariano Diaz, Luka Jović, Eden Hazard iyo Martin Odegaard.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Rela Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag Athletic Bilbao ee horyaalka La Liga dalka Spain:-

Image