Dhakhaatiirta mid kamid ah Xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka ee Dhoobley oo uu u furmay Tababar Xirfadooda sare loogu qaadayo

0
197

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Tababar kor loogu qaadayo xirfadda dhakhaatiirta ka howl gasha MCH-ka xaafada Boosniya ee Magaalada Dhoobley ayaa loogu qabtay isla MCH kaasi, tabaabarkan ayaa ahaa mid dhakhaatiirta lagu barayay sida loola tacaalo Carruurta nafaqo daridu heyso iyo sidoo kale Hooyoyinka uurka leh.

Sahro Cabdi Xasan waa madaxa Mchka Boosniya waxa ay nooga warbixisay tababarkan iyo waxyabaha uu ku sabsanaa iyadoo sheegtay in ay wax badan ka faa’iideen dhakhaatiirtu bulshadana ay ugu adeegi doonaan.

Dhankale Maxamed Daahir Bisle oo kamid ah Dhakhaatirtiirta ka faa’iideysatay tababarkani ayaa geestiisa sheegay in ay wax badan ka barteen mudadii ay qaadanayeen tababarkan markastana ay bulshada ugu shaqeyn donaan taasi, oo ah in ay la tacaalaan Ciyaalka nafaqo yaridu heyso.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka warramaya