Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay ku bilaabatay kulankii Fulham ee horyaalka Premier League qaab xun, isla markaana ay taasi sababt u noqon laheyd in Reds ay ku guuldarreysato saddexda dhibcood ee kulankan.
Kooxaha Fulham iyo Liverpool oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Craven Cottage, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Shabakada “Sky Sports” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Jurgen Klopp, kaddib ciyaarta wuxuuna yiri:
“30-kii daqiiqo ee hore ma fiicneyn anaga, waan ku guuldareysan karnay ciyaarta mudadaas, laakiin taasi ma asan dhicin sababtoo ah 60-kii daqiiqo ee xigay aad ayeey u fiicneyd, waxyaabahan way dhici karaan.”
“Haddii aad eegto natiijooyinka, dhammaan kooxihii ka ciyaaray Horyaalada Yurub iyo Champions League waxa ay ciyaareen kulan adag dhammaadkii Isbuucan.”
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa kor u soo qaaday dhibcaheeda si ay u hesho 25 dhibic, iyaga oo kaalinta labaad kaga jira dhanka miiska kala sarreynta Premier League, waxayna isku dhibco yihiin naadiga Tottenham oo hoggaamineysa horyaalka.