Miyuu Sergio Aguero ku soo bilaaban doonaa kulanka Manchester derby? – Tababare Pep Guardiola ayaa ka jawaabaya

0
177

Aguero oo aan ciyaarin kulammadii ugu dambeeyay ayaa ka soo kacay kursiga keydka si uu u dhaliyo goolka labaad ee Man City markii ay 3-0 ku garaaceen Marseille ciyaar ka dhacday Arbacadii garoonka Etihad.

32-sano jirkaan reer Argentina ayaa saftay kaliya kulankiisii shanaad xilli ciyaareedkan, sababo la xiriira dhaawacyo jilibka iyo muruqa ah.

Markii la weydiiyay haddii Aguero uu ku bilaabi karo kulanka Manchester Derby isagoo si toos ah ugu warramayay Sky Sports, Guardiola ayaa yiri: “Maya”.

Man City ayaa horeba ugu soo baxday wareegga 16-ka ee kooxaha ugu waa wayn Yurub waxayna guushani ka dhignayd inay ku dhammeysatay wareegga koowaad ee group-ka iyadoo leh 16 dhibcood, Guardiola ayaana carrabka ku dhuftay halista sii socota ee Aguero ee goolka hortiisa.

“Dareenkiisa ah inuu gool dhaliyo marwalba wuu jiri doonaa,” waxaana uu intaa raaciyay: “Waxa uu qaatay saddex ama afar tababar, falcelintuna waa ay fiicnayd.

“Waxa uu haystay 25 daqiiqo, waxaana uu dhaliyay gool, Talaababa talaabada xigta, waan arki doonnaa falcelinta berri.”

Guardiola oo sagaal isbedel ku sameeyay booqashadii kooxda Ligue 1 ee Marseille ayaa sheegay inuusan weli aqoon shaxdii uu u soo xulan lahaa kulanka derby-ga ee ay la leeyihiin Manchester United.

“Hadda waa waqtigii aan dabaaldegi lahaa, berri waxaan ka fikiri doonaa Premier League iyo kulanka Derby-ga ah,” ayuu yiri Pep.

“Waxaan heysannaa labo maalmood oo aan uga fikirno arrintaas.”

Man City ayaa hal dhibic ka dambeysa Manchester United, waxaana ay Pep iyo Wiilashiisu booqan doonaan garoonka Old Trafford si ay ugu soo ciyaaraan kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League.

Kooxda Tababare Pep Guardiola ayaan guuldarro la’aan ah (unbeaten) tartammada oo dhan tan iyo markii guuldarro 2-0 ah ka soo gaartay Tottenham 21 bishii November.