RIKOORRO: Maxay ka dhig naayeen labadii gool ee uu xalay Cristiano Ronaldo ka dhaliyay kooxda Barcelona??

0
302

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka aargoosatay naadiga Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u kala dhaliyay Cristiano Ronaldo oo 2 gool ah, iyo Weston McKennie oo dhaliyay gool qurux badan.

Ronaldo ayaa sii xoojiyay hogaamintiisa inuu yahay kan ugu badan ee gool ka dhaliya shabaqa kooxda Barcelona, wuxuuna xalay ka dhaliyay goolkiisii 20-aad, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xiddigii ugu horeeyay taariikhda ee gaara tiradaas.

Garoonka Camp Nou ayaa noqday garoonkii uu Ronaldo ku dhaliyay goolashii ugu badnaa ee kulamada uu ku soo ciyaaro banaanka intii uu ciyaarayay xirfadiisa kubadda cagta, madaama uu 14 gool ku dhaliyay dhulka Catalonia tartamada oo dhan.

Labadii gool ee uu Ronaldo xalay ka dhaliyay Barcelona waxay sidoo kale siisay rikoodh muhiim ah ee ku aadan tartanka kala dhaxeeya Lionel Messi, tan iyo markii uu Cristiano ka tagay horyaalka Spain, Messi kuma guuleysan inuu wax gool ah ka dhaliyo Real Madrid, halka Ronaldo uu ku guuleystay inuu shabaqa ka soo taabto Barca.