Muxuu ka yiri Ronald Koeman guuldarradii ay kooxdiisa Barcelona kala kulantay Juventus??

0
259

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in guuldaradii kooxdiisa ka soo gaartay naadiga Juventus kulankii xalay ee ka tirsanaa kulamada ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, ay sabab u tahay qaabka xun ay kooxda kaga bilaabatay 25-kii daqiiqo ugu horeeyay  ciyaarta.

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka aargoosatay naadiga Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u kala dhaliyay Cristiano Ronaldo oo 2 gool ah, iyo Weston McKennie oo dhaliyay gool qurux badan.

Haddaba wargeyska “Marca” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ronald Koeman kaddib ciyaarta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Guuldarada waxay aheyd natiijada 25-ka daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysa.”

“Waxaan ciyaarta ku bilaabanay si xun, cabsi iyo dagaal la’aan.”

“Waxay u muuqatay sidii inaan u soo galnay ciyaarta inaan iska ilaalino guul darrooyinka oo aannan xakameynin dheesha.”

“Juventus waxay dooneysay inay guuleysato, anaga waxaan ciyaartan u soo galnay si aan uga badbaadno guuldarro, taasna waxay ahayd farqi weyn.”

“Difaac ahaan ma aanan fiicneyn, waxaan ku guuldarreysanay ciyaarta 30-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, ma aanan ku jirin heerkeena, inkastoo inaan sii ciyaarno Champions League ay tahay wax wanaagsan.”

“Rigooradii ugu horreysay ma ahayn mid sax ah, laakiin haddii ay siiyeen rigoore Ronaldo, sidoo kale Messi wuxuu u qalmay hal xabo, laakiin guuldarradu waxay ku timid qaladaadkeena, si qaldan ayaan u ciyaarnay qeybtii hore.”

“Waxaan u baahanahay dhamaan ciyaartoyda inay ahaadaan kuwo wanaagsan, si ay u helaan kalsooni, way ka adkaan karaan qof walba, waana falanqeyn doonaa ciyaarta.”